BALAADHINTA METRO BLUE LINE

Bulshada waqooyi galbeed & Minneapolis

Mashruuca tareenka fudud ee METRO Blue Line Extension wuxuu ballaarin doonaa Blue Line ee hadda jira laga bilaabo Target Field Station, isagoo u adeegaya North Minneapolis, Robbinsdale, Crystal, Brooklyn Park iyo bulshooyinka ku xeeran.

Adeegyada turjumaada ayaa laga heli karaa dhammaan kulamadeenna dadweynaha. Si aad u codsato adeegyada turjumaada fadlan ka wac Nkongo Cigolo (612) 373-3825.  

Khariirada la socodka

Baadh oo ka faaloo khadka iyo qorshaha hadda iyadoo isticmaalaysa khariirada la socodka hoose.  

Fur qeybta balaadhan ee khariirada si aad u baadho ugana faalo bixiso. Khariiradu waxay ku shaqaynaysaa barawysarada Google Chrome, Firefox, Edge, iyo Safari. 

Interactive map of Blue Line Extension route options.

Waxyaabaha ku Saabsan Mashruuca

WAXYAABAHA KU SAABSAN BALAADHINTA BLUE LINE 

Balaadhinta METRO Blue Line waxa lasoo jeediyay inuu ka shaqeeyo ilaa 13.4 miles gaadiidka dadweynaha ee isku xidha faras magaalaha Minneapolis ilaa bulshada Waqooyiga Minneapolis, Robbinsdale, Crystal, iyo Brooklyn Park. Mashruuca lasoo jeediyay wuxuu siin doonaa gaadiid dadweyne oo la wanaajiyay goobta waqooyi galbeed ee socodku ku badan yahay ee ku taala Goobta Twin Cities Metropolitan iyo hal raacis oo aan u baahnayn wareejin oo ka imanaya Brooklyn Park ilaa madaarka MSP iyo Mall of America. Mashruucu waxa uu siinayaa fursad lagu maalgashado bulshooyinka BIPOC laguna dhimo kala duwanaanshaha gobolka. 

Isku xidhka Khadka METRO Blue Line ee hore u jiray kuna yaala Target Field Station, Balaadhinta khadka Blue Line iyo 13 istaan ee cusub taasoo qeyb ka noqon doona nidaamka isku dhafka gaadiidka dadweynaha ee u adeegaya gobolka, oo ay ku jiraan isku xidhka METRO Green line, Khadka tareenka Northstar Commuter Rail, khadadka gaadiidka dadweynaha ee dheereeya, adeega baska ee jira, iyo soo jeedinta mustaqbalka ee tareennada. 

  • Ku xidhi doonntaa dadka fursadaha cusub iyo meelaha la aadayo. 

  • Ku samee maalgalin aan hore loo samayn oo taariikhi ah waddada gaadiidka dadweynaha taasoo ay sheegtay taarikhda nidaamkii cunsiriyadaysnaa oo ay ku jiraan boqolay badan oo ah qoysaska bilaa baabuurta ah. 

  • La hagaajiyo caafimaadka dadweynaha oo la yareeyo dikhawga iyadoo dadka lagu xidhayo daryeel caafimaad oo tayo leh iyo doorashooyin gaadiid oo shaqaynaya isla markaana bilaa dikhaw ah. 

  • Ku xidh dadka si aad wax ku ool u ah si ay u helaan fursado waxbarasho iyo shaqo, u yareeyaan wakhtiyada kaga luma safarka, oo la kordhiyo helitaanka alaabaha iyo adeega goobaha halkaasoo dhisitaanka hodantinimada bulshadu ay tahay mudnaanta. 

Qorhaynta Balaadhinta Blue Line waxay socotay ilaa sannadkii 2014. Iyadoo loo marayo dedaaladaas, waxa jiray heer wada shaqaynood oo aad u muhiim ah iyo shuraako ay ku jiraan wakaalado iyo shuraakada bulshada ee leh dhammaan heerarka kala duwan. Met Council iyo Degmada Hennepin ayaa wada shaqaynaya sidii ay u horumarin lahaayeen oo ay u dhammayn lahaayeen mashruucan. 

timeline graphic

60% heer naqshadeyn

Mashruuca Blue Line Extension wuxuu sii daayay qorshayaal naqshadeyn oo la cusbooneysiiyay xilliga dayrta 2025. Hadda heerka naqshadeynta 60%, qorshayaashan waxay ka kooban yihiin faahfaahin la hagaajiyay oo ku saabsan:

  • Waddooyinka taraafikada, jidadka laamiga, iyo qurxinta waddooyinka
  • Tallaabooyinka yareynta deegaanka 
  • Waddooyinka isgoyska iyo naqshadeynta isgoysyada  
  • Kaabayaasha LRT
  • Faahfaahinta naqshadeynta kale

Eeg qorshayaasha naqshadeynta 60%.

OGOLAANSHAHA DAWLADA HOOSE

Minnesota gudaheeda, mashaariicda waaweyn ee gaadiidka sida METRO Blue Line ah waxay u baahan yihiin ogolaanshaha deegaanka ee qaybaha naqshadaynta jidheed. Sharciga (Waaxda Xeer-dejinta Minnesota. 473.3994) ayaa la ansixiyay si loo hubiyo in magaalooyinka iyo bulshooyinku ay yihiin shuraakooyin mashaariicda saamayn kara ee ay ka faa'idi karaan dadka deegaankuna. 

Hannaanka waxa loogu yeedhaa "ogolaanshaha dawlada hoose." Waxay ku lug leedahay magaalo kasta iyo degmo kasta oo uu maro khadku taasoo loo qabanayo dhagaysi dadweyne si loo helo waxay ku darsanayaan dadka deegaanku kadibna loo codeeyo si loo ansixiyo qorshaha nashqada hore. Haddii ay magaaladu u codayn waydo in la ansixiyo qorshayaasha naqshadaynta, waa in ay qeexaan waxa iska beddelaya naqshadda muuqaalka mashruuca ee loo baahan yahay in la sameeyo si loo ansixiyo. 

Xagaagan 2024, magaalooyinka ay waddadu marto waxay bilaabi doonaan hannaanka loo yaqaan "ogolaanshaha dawlada hoose," kaasoo ay ku jiraan dib u eegista maxaliga ah iyo falcelinta qabaha duleed ee nashqada. Isha ku hay kulamada bulshada iyo dhagaysiga dadweynaha ee loo muddeeyay magaaladaada. 

DIB U EEGISTA DEEGAANKA

Mashaariicda waaweyn ee gaadiidku sida Balaadhinta Blue Line waxa loogu talagalay inay keenaan faa'idooyin badan. Faa'idooyinkaa badan waxay sidoo kale saamayn ku keeni karaan cidda la jaarka ah, ganacsiyada, iyo deegaanka. 

Hannaanka dib u eegista deegaanka ee METRO Blue Line waa shuruud heer fadaraal ah si loo aqoonsado faa'iidooyinka ay ku qabaan deegaanka, bulshada, iyo dhaqaalaha iyo saameynta mashruuca, iyo sida looga fogaado, loo yareeyo, ama loo dhimo saameynaha aan la rabin. 

Hannaanka dib u eegista deegaanku ee waddada haddu waxay ka kooban tahay laba qeybood: 

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Qabyo Qoraalka ah (SDEIS) 

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Gunnaanadka ah (SDEIS) 

Bishii Agoosto 2025, Maamulka Gaadiidka Federaalka (Federal Transit Administration) ayaa soo saaray Diiwaanka Go'aanka La Bedelay, taasoo muujinaysa dhammaadka habka dib-u-eegista deegaanka federaalka. Guushan weyn ayaa furtay waddada naqshadeynta iyo dhismaha ugu dambeysa ee mashruuca. Guushan waxay sidoo kale ka dhigan tahay in xeelado cusub oo lagu taageerayo ganacsiyada iyo dadka deegaanka inta lagu guda jiro dhismaha mashruuca lagu dari doono. Istiraatiijooyinkan waxaa ka mid ah:

  • Barnaamijka Blue Line Extension  Program tagero ganacsiyasha kaas oo, istiraatiijiyado kale oo taageero ganacsi, uu heli doono $5 milyan si ganacsiyada ay saameeyeen dhismaha inay bixiyaan kirada ama deynta inta lagu jiro dhismaha.
  • sanduuqa maalgashiga bulshada, kaas oo siinaya $5 milyan ururada bulshada si ay u bixiyaan adeegyo iyo taageero dadka saameeyay, iyadoo diiradda la saarayo xasiloonida guryaha.

Waa maxay EIS?

Bayaanka Saamaynta Deegaanka waxa ka mid ah daraasad faahfaahsan iyo dhukumeentiyo kala duwan oo faa'iidooyin iyo saamayn kara mashruuca inta lagu jiro dhismaha iyo hawlgalka mashruuca, oo ay ku jiraan: 

  • Isticmaalka dhulka, iyo sida mashruucu ugu habboon yahay dhulka loo qorsheeyay in loo isticmaalo ama hore u jirayba 

  • Saamaynta bulshada ama bulshooyinka ku xeeran mashruuca 

  • Hantida loo baahan karo in la iibsado iyo waxyaabaha ay dadka deegaanka ama ganacsiyadu u baahan yihiin in dib u dejin loogu sameeyo. 

  • Baahiyaha ganacsiyada, oo ay ku jiraan inta uu socdo dhismuhu, dib u dejinta, dakhliga 

  • Dedaalada aan tooska ahayn iyo kuwa isku dhafan ee mashruuca 

  • Bulshooyinka caddaalada deegaanka (tusaale bulshooyinka midabka leh, bulshooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo, bulshooyinka naafada ah iwm.) 

  • Hantida taariikhiga ah 

  • Goobaha nasashada 

  • Isbadalka muuqaal 

  • Badqabka 

  • Gaadiidka, oo ay ku jiraan baaskiilada, halka la marayo, gaadiidka dadweynaha, baabuurta, tareenada xamuulka, iyo gaadiidka cirka 

  • Khayraadka biyaha, oo ay ku jiraan biyo fadhiisinka ah, agagaarka wabiyada, biyaha roobka, biyaha dhulka hoostiisa, tayada biyaha 

  • Ciida iyo khayraadka macquulka ee juqraafiyadeed 

  • Dhirta iyo xayawaanka, oo ay ku jiraan noocyada khatarta ah iyo halista ah 

  • Dhawaaqa iyo gariirka 

  • Dhismayaasha xumaaday iyo walxaha dhibaatada keeni kara 

  • Dikhawga hawada, kaarboonada aadanuhu soo saaro iyo isticmaalka tamarta 

Dib u eegista deegaanka la xidhiidha ee waddadii hore 

Sannadkii 2016, Bayaanka Kama Dambaysta ah ee Saamaynta Deegaanka (2016 FEIS) ayaa la daabacay, oo Diwaanka Go'aanka waxa la siiyay Maamulka Gaadiidka Dadweynaha Fadaraalka oo loogu talagalay waddada hore. Sababtoo ah isbeddelka dariiqa ee 2022 (Ku xidh warbixinta wax ka beddelka waddada), 2016 FEIS hadda ayaa la dib u eegay si loo qiimeeyo isku-habaynta cusub iyada oo loo marayo Taageerada laga helayo DEIS iyo FEIS. 

Eeg dhokumantiyada deegaanka ee laga helay dariiqii hore

QABYO QORAALKA KAABISTA EIS

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Qabyo Qoraalka ah (SDEIS) waxa diyaariyay Golaha Metroplitan oo waxa la heli karaa si dib u eegis loogu sameeyo gu'ga/xagaaga 2024. 

Waxay si waadix ah u aqoonsanaysaa faa'idooyinka iman kara iyo saamaynta mashruuca. Waxay sidoo kale xusi doontaa hababka iman kara ee looga hortagi karo, ama loo yarayn karo saamayn kasta oo xun oo mashruucu wato. Marka la daabaco, dadweynaha iyo wakaaladuhu waxay heli doonaan muddo 45-maalmood oo ay kaga faalloon karan si ay dib ugu eegaan oo ay falcelin uga bixiyaan. Faallooyinka la helaa waxay sheegi doonaan tallaabooyinka xiga iyo ka go'naanshaha si looga hortago, loo yareeyo, oo loo dhimo saamaynaha xun ee mashruucu keeni karo.

KULAMADA BULSHADA IYO XAFLADAHA 

Hawlaha Bulshada

Codadka bulshadu waxay qeyb muhiim ah ka tahay mashruuca hannaan go'aan gaadhista Balaadhinta Blue Line, markaa fikradaada hala maqlo oo ka caawi jaantuska mustaqbalka ee Balaadhinta Blue Line. 

Mid ka mid ah mabaadi'da hagidda mashruuca waa in lagu dhaqaaqo xawaaraha kalsoonida. Hore uma socon doono ilaa iyo oo aan helno kaalmo bulsho oo micno leh iyo ka qeybqaadasho leh. Dadaalka kaqeybgalkeena waa inuu noqdaa mid mug leh, loo wada dhan yahay, oo dabacsan si loo hubiyo inaan yeelano isku toosan oo faa'iidada ugu badan u leh bulshada.  shuruucda mashruucu waxay ka tarjumaysa ballanqaadkan dadweynaha waxaanan sii wadi doonnaa in aan si macno leh ula macaamilno bulshada iyada oo halmar jiilka maalgashigu hore u socodsiinayo. 
 
Intaa waxa dheer Kulamada wadashiga bulshada, Golaha Metropolitan wuxuu siinayaa fursado kale oo bulshadu kaga qeybqaadan karto.

DREAM

Kooxda DREAM waxay isla shaqeynayan Hennepin County iyo Golaha Magaalada si ay u fududeeyaan kalfadhiyada DREAM ee Brooklyn Park, Crystal, Robbinsdale, iyo Minneapolis. Habka DREAM wuxuu doonayaa Hormariin,Taloyiin,Awood siinta,tallaabo iyo Dhaqajin Ujeeddada habka DREAM waa in la horumariyo qalabka isgaarsiinta iyo madal lagu kordhiyo wacyiga iyo ka qaybgalka Blue Line Extension.

KOOXAHA HAWLAHA BULSHADA

Tan iyo 2020, mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line waxay kordhisay shaqaalahooda ka qaybgalka dadweynaha iyagoo si toos ah qandaraas ula galay 17 kooxood oo bulsho iyo dhaqameed. Shaqaalaha mashruuca waxay aqoonsatay qiimaha khibrada kooxahan, khabiirada, iyo shabakadaha xidhiidhada aaminka ah, gaar ahaan bulshooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo bulshooyinka midabka leh ee waddada isticmaala. Kooxahani waxa ay sidoo kale door lama ilaawaan ah ka ciyaareen ka qayb galka bulshada xilliyadii adkaa ee COVID-19 iyo kacdoonka shacabka. 

Degmada Hennepin, oo ah shuraakada muhiimka ah ee mashruuca, waxay qandaraas la gashay kooxahan si ay si toos ah uga qaybgalaan xeeladaha dhaqan ahaan ku habboon sida martigelinta shirarka bulshada iyo kooxaha diiradda, soo bandhigista dhacdooyinka soo baxay, garaacista albaabka, xog-ururinaha, faallooyinka tarjumaada, muuqaalada, sawiro, dhacdooyinka tooska ah ee Facebook, iyo hawlaha dhaqameed. Taageerada dheeraadka ah waxaa ka mid ah la talinta isgaadhsiinta mashruuca, xoojinta xidhiidhka mashruuca ee shabakadaha warbaahinta bulshada ee kala duwan, qorista, iyo ka warbixinta ra'yi-celinta bulshada, kaqeybgalka shirarka kooxda ee bilaha ah, iyo soo gudbinta warbixinnada ugu dambeeya dhammaadka weji kasta oo kaqeybgalka. 

Natiijooyinka tooska ah ee xubnaha kooxdan waxaa ka mid ah ka mid noqoshada hindisaha ka hortagga barakaca, tixgalinta naqshadeynta iyo injineernimada, aqoonsiga ilaha bulshada iyo dhaqanka, hababka isgaadhsiinta iyo xeeladaha, nidaamyada 3-D ee ay abuureen tababarayaasha dhalinyarada, iyo liis ballaadhan oo arrimaha bulshada ah, walaacyada iyo fursadaha. 

Eeg hawlaha ugu dambeeya ee kooxda.

CULTURAL PLACEKEEPING

Iyadoo la adeegsanayo naqshad ula kac ah iyo waxyaabo hal-abuur leh oo ka mid ah saldhigyada Blue Line Extension, qorsheeyayaasha mashruuca waxay la shaqeynayaan la-hawlgalayaal bulsho si loo kor u qaado loona ixtiraamo dhaqanka, taariikhda, iyo aragtida dadka iyo meelaha khadkan adeegi doono. Waxaa loo yaqaan "cultural placekeeping," dadaalkan wadajirka ah waa qayb ka mid ah ballanqaadka mashruuca ee ka hortagga barakacitaanka iyo barwaaqada bulshada.  

Si loo ilaaliyo, loo xoojiyo, loona xuso dhaqamada iyo taariikhaha kala duwan ee ku yaalla jidka Blue Line Extension, Blue Line Extension Project Office waxay taageertaa Kooxaha Naqshadeynta Dhaqanka ee magaalo kasta oo ku yaal corridor kasta kuwaas oo la shaqeynaya farshaxanayaal maxalli ah si ay uga caawiyaan qaabaynta muuqaalka iyo dareenka mashruuca. Wax badan ka baro kooxaha naqshadeynta meelaha dhaqanka oo la wadaag fikradahaaga adigoo booqanaya Bogga ilaalinta dhaqanka ee Blue Line Extension.

Kahortaga barobixinta iyo kordhinta kababka bulshada 

Balaadhinta METRO Blue Line waxay abuuraysaa fursado jira si kor loogu qaado aragtiyaha bulshada ee ku aadan maalgashiga iyo horumarinta dhaqaale ee caawin kare dadka deegaanka iyo ganacsiyada keenaya hodantinimada iyo hagaajinta tayada nolosha. Maalgashiyada kaabayaasha waaweyn waxay kor u qaadaan dhibaatooyinka barobixinta dadka deegaanka iyo ganacsiyada. La hawlgalayaasha mashruucu waxay rabaan inay maqlaan dhibaatooyinkaas oo ay si dhab u qaataan. Waxa naga go'an inaan si wadajir ah ula shaqayno bulshada si marka horeba looga hortago barobixinta oo kor loogu qaado faa'idooyin badan oo gaadiidka dadweynuhu keeni karo. 

Arrimahani waa kuwo xasaasi ah oo muhiim ah kuwaasoo u baahan shuraako badan oo iskula timaada rumayn dhab ah si ay uga fikiraan oo ay u qabtaan si hal-abuurnimo leh. Shaqadu way socotaa si loo aqoonsado khayraadka jira iyo agabka taageeri kara ganacsiyada iyo dadka deegaanka jooga maanta. Daneeyaasha iyo shuraakadu waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan bilaha soo socda si ay u aqoonsadaan baahiyaha dheeraadk ah iyo meelaha u baaahan in wax laga qabto, hirgalinta khidadaha taageeraya horumar loo siman yahay iyo dhisida hodantinimada bulshada, iyo in wax laga qabto caddaadiska horseedi kara barobixinta. 

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkan iyo hababka aad faallo uga bixin karto, booqo: https://yourblueline.org/anti-displacement 

Guddiga Barnaamijka Horumarinta Bulshada ee Ka-hortagga Barakaca

Guddiga Barnaamijka Barwaaqada Bulshada ee Ka-hortagga Barakacitaanka (ACCP) ee ay hogaaminayso bulshada waxaa aasaasay Golaha Sharci-dejinta Minnesota iyadoo ay weheliyaan hoggaamineed bulshooyinka saameeyeen, si loo ilaaliyo loona horumariyo guryaha la awoodi karo, loo bixiyo taageero ganacsiyo yaryar, loo taageero tababarka iyo meelaynta shaqada, kor u qaadista firfircoonida dhaqaalaha, loona faa'iideysto dadka iyo dareenka bulshada ee ku teedsan waddooyinka la doortay iyo kuwii hore ee waddada gaadiidka BLE. Waafaqsan talooyin ka yimid Kooxda Shaqada Ka-hortagga Barakacitaanka (ADWG) Guddiga ACPP waxaa ka mid ah dadka deegaanka iyo milkiilayaasha ganacsiyada, dadka leh waayo-aragnimo nololeed oo ku saabsan barakiista, iyo dad ka tirsan bulshooyinka aan faa'iido doonka ahayn iyo kuwa samafalka iyo hay'adaha dowladda hoose. ACPP waa mid ka duwan Mashruuca Kordhinta Khadka Buluugga ah iyo sidoo kale tallaabooyin mashruucu bixiyo si looga hortago dadka guuritaanka loona dhiso barwaaqo bulsho.

Isuduwayaasha Wacyigalinta

Maamulaha Kaqeybqaadashada Dadweynaha

Nkongo Cigolo 
612-373-3825 
[email protected] 

Nkongo Cigolo (oo loogu dhawaaqo NEN-kong-go SEEG-uh-lo) wuxuu horey u ahaan jiray isuduwayaasha wacyigalinta Mashruuca Central Corridor LRT (METRO Green Line) iyo Mashruuca Balaadhinta METRO Green Line. Wuxuu ku hadlaa Sawaaxili, Af-faransiis, labada lahjadood ee Bantuuga, iyo Ingiriisi. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacada Minnesota. 

Brooklyn Park

Pa Nhue Vue
612-468-3333
[email protected]

Pa Nhue Vue (Pronounced PAH-New-Vou) wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Wisconsin. Waxay ka qayb gashay Jaamacadda Wisconsin-Madison waxayna heshay BS cilmi-nafsiga Soo-kabashada oo leh shahaado ku saabsan Caafimaadka Caalamiga ah. Pa Nhue waxay u heellan tahay adeegga dadweynaha waxayna ka shaqeysay AmeriCorps iyo dhawaanahan Peace Corps ee Thailand. Waxay dib ugu soo laabatay Blue Line Extension Project Office iyadoo leh in ka badan shan sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan u doodista naafada iyo barnaamijyo kale.

Crystal and Robbinsdale

Amáda Márquez Simula
612-373-3831
[email protected]

Amáda Márquez Simula (Ah-MAH-thah MAR-kiss Sim-uh-lah) ayaa ku biirtay kooxda Blue Line Project iyadoo ah Isuduwaha Wacyigelinta Bulshada. Waxay keentaa in ka badan shan sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan gaarsiinta dowladaha hoose iyo qaybta waxbarashada

Minneapolis 

Kaja Vang
[email protected] 

Kaja Vang wuxu horay u ahaa isuduwaha hawlaha bulshada ee Degmada Three Rivers Park oo wuxuu leeyahay khibrad balaadhan oo dhinaca la shaqaynta dhalinyarta. Vang wuxuu ka qalin jabiyay St. Thomas oo uu shahaado ku qaatay cilmiga deegaanka. 

Codsiyada hadlayaasha 

Si aad u codsato hadle kulanka bulshada ah ama xaflad kale, fadlan la xidhiidh:

Nkongo Cigolo, Public Involvement Manager
[email protected] 

Codsiyada xogta

Nidaamyada Helitaanka Xogta Golaha Metropolitan waxay qeexayaan nidaamyada lagu codsanayo xogta dadweynaha, gaarka ah, ama xogta ilaashan ee ay ilaaliyeen Golaha, oo ay kamid tahay mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line. Hay'adda Mas'uulka ka ah Mashruuca ee codsiyada xogta: [email protected] 

Su'aalaha warbaahinta

Haayadaha warbaahinta waa inay sameeyaan codsiyo toos ah si ay u helaan xogta: 

Kyle Mianulli 
612-280-9252 
[email protected] 

Balaadhinta METRO Blue Line 

Xafiiska Mashruuca Balaahdinta Blue Line 
Park Place West Building, Suite 600 
6465 Wayzata Boulevard 
St. Louis Park, MN 55426  

Kala soco Balaadhinta METRO Blue Line 

Balaadhinta METRO Blue Line waxa laga helayaa Facebook

Balaadhinta METRO Blue Line waxa laga helayaa Twitter 

Kalasoco Balaadhinta METRO Blue Line Instagram 

Isku diwaangali iimayl ama qoraalada digniinta 

Request a presentation

Project staff are available for conversations and presentations to your community/neighborhood/business groups.

Contact

Nkongo Cigolo
[email protected]

METRO Blue Line Extension

Blue Line Extension Project Office
Park Place West Building, Suite 600
6465 Wayzata Boulevard
St. Louis Park, MN 55426